14 Shay Oo Dadka Guulaystaa Waligood Aanay Samayn  Wakhtigooda Firaaqada

Aug 12, 2023 by somalijobs inc

14 Shay Oo Dadka Guulaystaa Waligood Aanay Samayn  Wakhtigooda Firaaqada

 14 shay oo dadka guulaystaa waligood aanay samayn  wakhtigooda firaaqada 

 

Dhammaanteen waxaan is aragnay inaan la yaabnay waxa dadka guusha leh ka sooca inta badan olosheenna. 

Waxaa iyana isweydiin mudan: Sidee ayay waqtigooda ku qaataan, gaar ahaan waqtigooda firaaqada, si ka duwan kuwa kale? 

Ma jiraan caadooyin ama dhaqamo gaar ah oo ay iska ilaaliyaan si ay u ilaashadaan guushooda? 

 Hagaag, ka dib markii aan sannado badan ku qaatay indho-indhayn, cilmi-baaris, iyo xitaa la falgalka qaar ka mid ah shakhsiyaadkan guulaystay, waxaan soo ururiyay liiska 14 waxyaalood oo aanay waligood samayn wakhtigooda firaaqada ah. Brendan Brown  

Run tuna waxay tahay, ma aha oo kaliya waxa ay qabtaan, laakiin sidoo kale waxa ay si miyir leh uga fogaadaan wax badan oo kale inay sameeyaan. 

Haddaba, aynu dhex galno oo aan ogaano caadooyinka laga yaabo inaad rabto inaad iska ilaaliso haddii aad hiigsanayso guul. 

  

1) Dadka guulaystaa marnaba wakhtigooda kuma lumiyaan hawlo aan faa’iido u lahayn 

Mawduuca guud ee aad ka arkayso shakhsiyaadka sida dhabta ah u guulaystay waa ixtiraamka baaxadda leh ee ay u hayaan wakhtiga. 

Waxay fahmeen inay tahay hantida ugu qiimaha badan uguna yar waxayna u isticmaalaan si caqli gal ah. Waxay ka fogaadaan dhaqdhaqaaqyada aan faa'iido doonka ahayn sida daawashada aadka u badan ee TV-ga ama in ay si aan dhammaad lahayn ugu dhex wareegaan baraha bulshada. 

 Hoos u dhaadhac saacado ka mid ah maalintaada gaar ahaan waqtiyadaada firaaqada; maxaad talaw qabataa?  

Dadka guulaystaa waxay waqtigooda firaaqada uga faa'iidaystaan waxqabadyo qiimo u leh noloshooda. 

Inta badan waxay ku foogan yihiin in ay bartaan, xirfad cusub, akhrinta buug, ama jimicsi, waxay hubiyaan in hawlaha ay hayaan ay gacan ka geysanayaan guud ahaan fayoobidooda iyo korriimadooda. 

  

2) Iyagu kuma mashquulaan hadal xun 

Hal shay oo dadka guuleysta ay fahmeenn waa awoodda maskaxda. Haddii aad rabto inaad guulaysato, waxaad u baahan tahay inaad ogaato: waxa ay tahay in aad ka hadasho ama aad ka aamusto.   

Waxay garwaaqsadeen in ay ka mashquulaan wax kasta oo si uun liddi ugu ah korriinkooda.  

Halkii ay wax dhaliili lahaayeen waxay door bidaan, wada hadal wax dhisaya.  

Mar kasta waxay doortaan nooca isla-hadalka kaas oo kuu oggolaanaya inaad wax ka barato khaladaadkaaga oo aad ku dhiirato inaad mar kasta ka sii fiicnaato sidaad tahay. 

  

3) Waxbarashada waligood ma joojiyaan 

Ma ogtahay in aanay waxbarashadu dadka guulaysta aanay ka dhamaan marka ay ka tagaan xafiisyada ama goobaha shaqada?   

Marka ay maskaxdooda wax geliyaan, ma jiri doono wax istaajiyaa. 

Sida aad qiyaasi karto, waqtigooda firaaqada ah kuma lumiyaan maskax la'aan laakiin waxay inta badan u heellan yihiin horumarinta naftooda iyo ballaadhinta aqoontooda. 

 Dadka guulaystaa, inta badan waxay ku dadaal in ay xataa aqoon korodhsi sameeyaan marka ay u socdaan shaqada ama ballan ay cid la lahaayeen sugayaan.  

 

4) Caafimaadkooda ma iloobaan 

 “Maan fayow ayuu ku jiraa jidh fayoobi” 

Waxay u muuqdaan inay haystaan jadwalka ugu mashquulka badan haddana waxay maareeyaan inay mudnaanta siiyaan jimicsiga, nafaqo dheellitiran iyo nasasho ku filan. 

   

5) Iyagu isma takooraan 

Dadku waxa ay wax ku bartaan dhex galka bulshada, Si ka soo horjeeda caqiidada caanka ah, dadka guulaystaa ma qaataan wakhtigooda firaaqada oo dhan keligood. 

Hadday wakhti la qaadanayaan qoyska, asxaabtii hore ama la kulanka dad cusub, waxay hubiyaan inay sii xoojiyaan xidhiidhkooda bulsheed.  

Dhab ahaantii, xidhiidhada ay sameeyaan waa qayb aasaasi u ah guushooda. 

 

6) Marnaba iskama ilaaliyaan is-milicsiga  

Dadka guulaysta waxay si joogto ah waqti u qaataan si ay uga fikiraan yoolkooda, horumarka ay u hayaamayaan iyo isbeddel kasta oo ay u baahan karaan inay sameeyaan. 

Dhaqankan milicsiga leh wuxuu ka caawinayaa inay sii taagnaadaan, oo diiradda saaraan oo ay hubiyaan inay ku socdaan waddadii saxda ahayd. 

  

7) Ma dayacaan rabitaankooda 

In kasta oo ay aad u mashquulsan yihiin, haddana waligood ma iloobaan waxa iyaga ka dhigaya kuwo ku faraxsan meel ka baxsan goobtooda xirfadeed.  

Xaqiiqdu waxay tahay, ma oggola in shaqadoodu ay qaato wakhtigooda iyo tamartooda oo dhan. Taa beddelkeeda, waxay waqti u qoondeeyaan hiwaayadaha iyo xamaasadooda. 

Isku-dheelitirkan u dhexeeya shaqada iyo xamaasadda kaliya maaha inay yarayso walbahaarka laakiin sidoo kale waxay gacan ka geysataa farxadda iyo ku- qanacsanaanta guud.  

Dabagalkan joogtada ah ee koritaanka ayaa ka dhigaya kuwo firfircoon oo la qabsan kara isbadel kasta oo nololeed. 

Waxay ku horumaraan qaadashada caqabado cusub, barashada xirfado cusub iyo ka qayb qaadashada hawlo marka hore u muuqda cabsi. 

 

8) Weligood kuma jiraan aaggaga raaxada 

Aagga raaxada ayaa ah aag ka caagan shakhsiyaadkan.  

Dabagalkan joogtada ah ee koritaanka ayaa ka dhigaya kuwo firfircoon oo la qabsan kara xaalad kasta oo adag. 

Waxay ku horumaraan qaadashada caqabado cusub, barashada xirfado cusub iyo ka qayb qaadashada hawlo marka hore u muuqda kuwo cabsi ah. 

Si kale haddii loo dhigo, ka maqnaanshahooda aagga raaxada ayaa ku ilaalinaya in ay adkaysi yeeshaan.  

Waxaad arkaysaa, waxay ku kalsoon yihiin awoodooda, oo waxay ku raaxaystaan dhex galka hawlo cusub iyaga oo aan haysan khibrad hore oo ay isku tijaabiyaan. 

 

9) Iskama indha-tiraan muhiimada nasashada  

Dadka guuleystaa waxay u badan tahay inay la kulmeen, caqabado wax ka badan hal mar. Waxay fahmeen in guushu aanay macnaheedu ahayn in had iyo jeer lagu jiro heegan; oo aan nafta la siin fursad ay ku nasato. Waxay si fiican u garteen muhiimada nasashada. 

 

10) Marna ma lumiyaan himilooyinkooda 

Waxa la odhan karaa, guushu waxay dad badan u tahay hab-dhaqan. 

Weligood may lumin aragtida yoolkooda, waxay hubiyaan inay mar walba wadaan oo ay diyaar u yihiin inay ka dhabeeyaan aragtidooda. 

Dadkani ma lumiyaan diiradda yoolalkooda, xitaa inta lagu jiro wakhtiga firaaqada. 

Dhab ahaantii, waxay wakhtigooda firaaqada u isticmaalaan qorshaynta wax qabadyo waawayn iyo sawirashada guushooda.   

 

11) Weligood ma joojiyaan su'aalaha 

Xiisuhu waa shidaalka waxbarashada nolosha oo dhan. 

Dadka guulaystana waxay ahaanayaan kuwo xiiseeya. Si kastaba ha ahaatee da'dooda ama inta sano ee waayo-aragnimada ay yeelan karaan, ma joojiyaan su'aalaha, sahaminta ama hal-abuurka, xitaa xilliga firaaqada. 

Waxay sidoo kale dhegaystaan kuwa da'da yar iyo kuwa aan khibrad lahayn oo leh maskax furan iyo ixtiraam. 

Xaqiiqdu waxay tahay inay had iyo jeer raadiyaan jawaabo, fikrado cusub iyo fursado korriin. 

Xiisahani waxa uu quudiyaa hal-abuurkooda, waxaanay sare u qaadan hab kasta oo ay xog ku heli karaan. 

 

12) Weligood is-beddelka ma diidaan 

Waxay fahamsan yihiin isbeddelku inuu yahay midka kaliya ee joogtada ah si aysan isku dayin inay iska caabiyaan waxa lama huraanka ah, taa beddelkeedana ay qaataan. 

Nuxur ahaan, awooddani waxay ku ilaalinaysaa inay mar walba diyaar u yihiin inay la qabsadaan xaaladaha cusub, wax ka bartaan, oo ay horumariyaan noloshooda. 

 

13) Weligood ma seegaan fursad ay ku caawiyaan dadka kale 

Dad badan oo guuleystay ayaa lala halgamay oo waxay u badan tahay inay heleen caawimo ku aaddan safarkooda.  

Qofna ma gaadho guusha keligii, sidaa darteed mar kasta waxay ku dadaalaan sidii aya dadka kale u taageeri lahaayeen.  

 

14) Weligood riyada ma joojiyaan 

 Ugu dambeyntii, dadka guuleysta weligood ma joojiyaan riyada. 

Qof kasta oo guulaysta waxa ka dambeeya riyo. Riyo ay ku doonayaan in ay nolol wanaagsan u sameeyaan nafahooda. 

Taasina waxay inoo tahay dhiirigelin qurux badan. Sidoo kale waxay xasuusin weyn u tahay inaynaan marnaba joojin riyada. 

  

Gabagabadii, caadooyinka ay dadka guulaystaa ku dhaqmaan kana fogaadaan ayaa ah mid horseed u ah socdaalkooda guusha. 

Go'aankooda miyir-qabka ah ee ah inay ku qaataan wakhtigooda firaaqada si waxtar leh, diiradda saaraya korriinka shakhsi ahaaneed, caafimaadka, xidhiidhka iyo barashada joogtada ah iyagoo iska ilaalinaya caadooyinka xun, waa wax aan dhammaanteen raaci karno. 

Xasuusnoow, kaliya maaha in aad guul gaadho, ee waa in aad ilaaliso oo aad si joogto ah u korto shakhsi ahaan. 

 

 

 --------------------------------------------------------      

Guuleyso      

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164